Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo Caawa loo fasaxay in ee Weerar qaadi karaan
Golaha amaanka ee Q,M ayaa caawa soo saaray go’aan u fasaxay ciidamada Midowga afrika ee AMISOM in ay qaadi karaan Tilaabo kasta oo ay Al-Shabaabka la bahoobay Al-Qacida wax kaga qaban karaan, iyagoona ilaalinaya sharuucda caalamiga ah,
Waxaa wali dibad baxyo kasoconayaan Tuulooyin katirsan Magaalada Rusterburg ee Gobolka North West kaa ee dhigayaan dadka u dhashay K/Afrika oo ka careesan shaqo la’aan soo wajahday iyo arimo kale.
Daawo Sawirada Ciyaar Xiiso Badan oo Dhax martay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Rusterburg iyo Johannesburg
Kulan Kaan oo Ahaa Mid ay Soo qaban Qaabisay Shirkada Ganacsiga ee Salama Cash & Carry Ayaa Waxaa lagu qabtay Garoon Ku yaala Xaafada May Fair ee Magaalada Johhannesburg ee Dalka Koofur Afrika
War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya oo hada la wareegay Magaalada Beydhabo iyo Al-Shabaab oo Magaalada ka baxday
Wararka hada naga soo gaaray Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in Daqiiqado yar kahor Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya ee la wareegeen Magaalada Beydhabo.
Dhalinyarada ku dhaqan Muqdisho oo qaati bilaahi iyo yaa naga qabta ka taagan Raga Soomaaliyeed ee ka yimaada S/Afrika
Dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa cabasho aad u xoogan waxa ee ka keeneen Raga Soomaaliyeed ee ka yimaada Dalka K/Afrika kuwaa oo boorsiiyin lacago ah hore usoo qaata taa ee dhalinyaro ku sheegeen mid iyagu lagu dhibaateenayo lacagahaasi.
War Deg Deg Ah Magaalada Beydhabo oo Xaalad Kacsanaan iyo kala carar ba’an ee kajirto iyo Dadka oo bilaabay in eey barakacaan
Wararka naga soo gaarayo Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in Magaaladaasi saakay ee kajirto xaalad kacsanaan iyo kala carar kadib markii ee kusoo dhawaadeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo Ciidamadiisa kala baxay Muqdisho iyo Deegaanada loo barakacay
Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo kamid ah Saraakiisha ugu sareysa uguna ciidanka badan Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in uu amray Ciidamadiisa kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ee si deg deg ah Muqdisho iyo Deegaanada loo barakacay uga soo baxaan.